Muqdisho ( Raxanreeb Online) War kasoo baxay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen weerar Al-Shabaab ay ku soo qadeen fariisin ay ku lee yihiin degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracade, oo ku began dhinaca koonfureed ee degmada Kaxda.
Goob joogayaal kamid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa hubka culus ee labada dhinac ay isku adeegsanayeen, balse si dhab aysan u ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu gaarsiisan yahay.
Taliska ciidanka Haramcad ayaa sheegay in Al-shabaab, ay isku dayayeen in weeraro hoobiyaal ah ku qadeen caasimada, balse ay ciidanka ka hortageen.
“Caawa ciidamada gaarka ah ee Haramcad ayaa si guul leh u fashiliyey weerar ay damacsanaayeen kooxda Al-Shabaab kuwaas oo qorsheynayey in hoobiyaal lagu tuuro magaalada caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Haramcad.
Dowladda Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ku xaqiijineyso amniga, si looga hortago kooxaha isku dayaya in khalkhal geliyaan amniga caasimada dalka ee Muqdisho.

Leave a Reply