Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo oo qeyb Terminal ah loo dhisaayo.

Beydhabo (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha terminalka garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Beydhabo.

Sidoo kale,terminaalka cusub ee garoonka Shaati-Gaduud ee kuyaalla magaalada Beydhabo ayaa la qorsheeyay in si casri ah loo dhiso, waxaana dhaqaalaha ku baxaya dhismaha terminaalka la sheegay in ay ka yimaadeen dhinacyo kala duwan oo maamulka ku taageeray.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabsicasiis Laftagareen oo ka hadlay dhagax dhiga terminaaka garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, ayaa sheegay in dhismahan qeyb ka yahay mashaariic kala duwan oo laga fulinayo deegaannadda maamulkiisa.

Maamulka Koonfur Galbeed uu hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen, ayaa sannadihii ugu dambeeyay magaalada Beydhabo ka hirgaliyay mashaariic kala duwan oo hurumarineed, waxa uuna maamulka hadda qorsheenayaa in mashaariic kale oo laga fuliyo deegaannada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.