Geelle oo markii 6-aad isu taagaya doorashada madaxweynaha dalka Jabuuti

Jabuuti ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta meesha ka saaro qodobka xaddidaya waqtiga xil heystaa madaxweynaha, si markale madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar kale isu soo taago doorashada dalkaas ka dhici doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2026-ka.

Xeerka cusub ayaa dhigaya in madaxweynuhu uu sii wadan karo tartanka doorashada iyo in uu markii lixaad tartami karo, isagoo oo da’diisu hadda tahay 77 sano jir.

Dastuurka Jabuuti ayaa dhigaya in qof ka weyn 75 sano aanu isu soo taagi karin xilka madaxtinimada dalkaas.

Mucaaradka Jabuuti oo aan awood muuqata ku dhex lahayn gudaha dalkaas ayaa si weyn uga qayliyey wax ka baddelka dastuurka, waxayna ku tilmaameen in uu yahay gef lagula kacay bulshada reer Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanadkii 1999-kii. Sanadkii 2011-kii ayuu sheegay in uu markii ugu dambeysay xilka u tartamayo, balse 2016 iyo 2021 ayuu isu soo taagay.

Muddo 26 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle soo ahaa madaxweynaha Jabuuti, haddana wuxuu u xusul duubayaa inuu xafiiska sii joogo shan sano oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.