Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo isu diyaarinaya shir xasaasi ah

Nariobi ( Raxanreeb Online) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay magaalada Nairobi, kana kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa yeelanaya shirkii ugu horreeyay kaddib marka la dhammaystiro qaab-dhismeedka golahu.

Madasha Samatabixinta ayaa gudbisay laba xubnood oo ku metalaya guddida golaha, kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdilaahi Xaaji Abukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Dhanka Jubbaland iyo Puntland ayaa laga sugayaa in ay soo magacaabaan min laba xubnood si ay u dhammaystirmaan xubnaha guddida.

Golaha Mustqablka ee Soomaaliyeed ayaa dhawaan la filayaa in ay bilaabaan qabanqaabada shirka koowaad oo la filayo in uu ka dhaco midkood Garowe iyo Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalin ka hor sheegay in ay si buuxda u taageerayso in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyada badbaadinta mustaqbalka dalka.

“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale Siciid Deni, ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi la hayd hubanti la’aanta amni iyo jaahwareerka siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.