Guddoonka labada aqal oo kulan la yeeshay Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kulan la qaatay guddoonka Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo guda geli lahaa dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka ee cutubyada harsan. Guddoomiyaha Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal, Xildhibaan Xuseen Iidow, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga warbixiyey hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan ka howlgelidda cutubyada harsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa guddiyada arrimaha dastuurka ee shaqadan wadda ku bogaadiyey howlaha ay qaranka u hayaan ee ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, waxayna kula dardaarmeen dardargelinta shaqada dib-u-eegista dastuurka ee cutubyada harsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.