Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho gaar ahaan daljirka Daahsoon waxaa saakay ka socda dibadbax ballaaran oo ay dhigayaan Ururada Haweenka, waxaana looga soo horjeeda xadgudubka ay Israa’iil ku sameeysay dalka iyo aqoonsiga Somaliland.
Haweenka dibadbaxa dhigaya ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya diyaarna u yihiin difaaca dalka iyo ka hortaga xadgudubka ay Yahuuda ku heyso madaxbanaannida Soomaaliya.
Sidoo kale dibadbaxaaysha, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay qeyb kamid ah Soomaaliya, isla markaana Yahuuda aysan awoodin in kala jaraan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed.
Dibadbaxyada ka dhanka ah Israa’iil ayaa sii kodhaya, halka cambaaraynta caalamiga ah lagu sameeynayo maamulka Yahuuda ay korortay, taasi oo hadal heyn badan ka dhalisay guud ahaan caalamka oo idil.

Leave a Reply