Delhi ( Raxanreeb Online) Hindiya ayaa Jimcihii (Janaayo 9) si xooggan u taageertay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
“Hindiya waxay xiriir taariikhi ah la leedahay Soomaaliya. Waxaan sii wadeynaa inaan adkeyno muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya Randhir Jaiswal markii wax laga weydiiyay aqoonsiga Somaliland.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Israa’iil ay noqotay dowladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsata Somaliland inay tahay dal madax-bannaan 26-kii Diseembar ee sannadkii hore 2025.

Leave a Reply