Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo kulan muhiim ah laqaatay Taliska guud ee ciidanka SSC.

Laascaanood (Raxanreeb online) – Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa shir muhim ah la qaatay Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca SSC-khaatumo iyo saraakiisha Ciidanka Daraawiishta.

Ugu horreyn Hoggaamiyaha ayaa warbixin ka dhagaystayTaliyaha Guud ee Ciidanka, Taliye ku xigeenka, Hoggaanada, Taliyo Qaybeedyada, Taliyayaasha Guutooyinka iyo dhammaan Taliyaha Colladda Geesiyaasha Daraawiishta.

Intaa kaddib, kulanka ayaa diirrada lagu saaray Horumarinta Ciidanka Daraawiishta
Xaqsiinta Naafada, agoonta iyo Xaasaska Shuhahadada Ciidanka Daraawiishta
Daryeelka guud ee Ciidanka & adkaynta difaaca u feejignaanta cadawga.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Saraakiisha iyo dhammaan Ciidanka Daraawiishta dulqaadka iyo adkaysiga xeeshadheer ee ay muujiyeen muddadii halganka iyo kaddibba, isagoo xusay in ay dalkooda iyo deegaankooda ugu yihiin gaadh-haye-yaal aan nasan, daalin marnabana aan ka seexan waajibkooda ilaalinta iyo difaaca dhulweynaha SSC-Khaatumo.

Dhanka kale, hoggaamiyaha ayaa xusay in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siinayso ciidanka Daraawiishta, isagoona ballanqaaday in xukuumaddu hortebinta 1aad 2aad iyo 3aad ba siinayso daryeelka iyo xuquuq siinta Ciidamadeena geesiyaasha ah.

Hoggaamiyaha ayaa faray Taliska Guud in si dhakhso ah loo helo tirakoob sax ah oo ku saabsan agoonta ciidanka Daraawiishta, si geesiyaasha naftooda u huray deegaankooda xuquuqdooda loo sugo.

Ugu danbayn, hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay Taliska Guud iyo Saraakiishaba in ay sii labanlaabaan dedaalkooda, islamarkaana dalkooda iyo deegaankooda ugu adeegaan si daacadnimo, hufaan iyo hawlkarnimo ku dheehanatahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.