Howlgalka khasaaro lagu gaarsiiyay kooxda Shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Bariire ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal ay iska kaashanayeen ciidanka xoogga iyo kuwa AUSSOM, ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Bariire ee katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa inta uu socday saraakiisha waxa ay sheegeen in dagaal xooggan ay la galeen ciidamada is kaashanaya kooxda Al-shabaab, isla markaana khasaaro xooggan ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxa ay shegeen in ciidamadu ay weli howlgallo ka wadaan deegaanka Bariire iyo nawaaxigiisa, isla markaana ay ku baacsanayaan xubnaha Al-shabaab katirsan ee ku dhuumaaleysanaya halkaasi.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weerar ku qaadaa deegaanka Bariire oo ay si aad ah u doonayaan, maadama uu yahay deegaan muhiim ah oo gobolka ku yaalla.

Sikastaba, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM, ayaa maalmahan kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka sameeynayaan deegaannada iyo  degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.