Imaaraatka Carabta oo ku eedeysay ciidamada Sudan inay weerareen guriga safiirkooda ee Khartoum.

khartuum (Raxanreeb online) – Ciidamada Suudaan ayaa diiday eedeynta Imaaraadka Carabta ee ah in ciidamadoodu ay duqeeyeen guriga uu magaalada Khartoum ka degan yahay Safiirka Imaaraadka Carabta, taas beddelkeedana ay ku eedeeyeen jabhadda Rapid Support Forces (RSF).

Imaaraatka Carabta ayaa goor sii horeysay oo isniin ah sheegay in guriga uu degan yahay safiirkooda Khartoum ay soo weerareen diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, iyaga oo ku tilmaamay weerar aad u fool xun.

“Falalkan foosha xun iyo fulaynimada ah” waxaa fulinaya jabhadda RSF, sida ay ciidammada Suudaan ku sheegeen bayaan.

Ciidanka ayaa marar badan ku eedeeyay Imaaraadka inay hub iyo taageero siiyeen RSF dagaalka Sudan 17-ka bilood ah. Dowladda Khaliijka ayaa beenisay eedeymahaasi. Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee cunaqabataynta ayaa ku tilmaamay eedaymo lagu kalsoonaan karo oo ah in Imaaraadku taageero millatari siiyeen RSF.

Dagaal ayaa bishi April ee sanadkii hore ka dhex qarxay ciidamada Sudan iyo jabhada RSF, kaas oo ku saabsanaa in loo gudbo doorasho xor ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​25 milyan oo qof – kala bar dadka Sudan – ay u baahan yihiin gargaar, macaluul ayaa soo food saartay, ilaa siddeed milyan oo qofna ay ka carareen guryahoodii.

“Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhismayaasha diblomaasiyadeed iyo guryaha ay degan yihiin shaqaalaha safaaradda, iyadoo la raacayo heshiisyada iyo kastamka ee xakameynaya xiriirka diblomaasiyadeed,” ayaa lagu daray warka ka soo baxay Imaaraadka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.