Tehran (Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay inay u adeegsatay gantaalka Khyber weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Israa’iil.
Bayaanka IRGC wuxuu sheegay in duullaankii tobnaad ee lagu qaaday Israa’iil, “Tel Aviv”], Haifa East Jerusalem” la beegsaday.
Gantaalka Khyber ee balistigga ah wuxuu jaraa masaafo dhan 2,000 kiiloomitir, waxaana Mohammad Reza Ashtiani, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan, ugu yeeray mid ka mid ah gantaallada ugu casrisan ee ay naqshadeeyaan .
Ciidamadu sidoo kale waxay sheegeen in saacadaha ugu dambeeyay ay beegsadeen “Saldhigga Diyaaradaha Mareykanka ee Ali al-Salem ee Kuwait” iyo maraakiibta ku sugan Badweynta Hindiya iyagoo adeegsanaya “15 gantaal oo duulaysa.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Iran.
Subaxnimadii maanta, wakaaladda wararka Fars News Agency ayaa soo sheegtay “weerarada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn ee Iiraan ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee gobolka Galbeedka Aasiya,” kadibna waxaa la daabacay warar sheegaya in qarax laga maqlay magaalada Erbil.

Leave a Reply