Iran oo shaacisay in duqeymo ay labeegsadeen diyaaradaha Isra’iil iyo saldhigyo badan.

Tehran (Raxanreeb online) – Diyaaradaha dagaalka Israa’iil, ayaa saakay aroortii duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday saldhigyo milatari oo kuyaalla gudaha dalka Iran, waxaana jira khasaarooyin kala duwan oo weerarkaasi ka dhashay, inkastoo aan wali si rsami ah loo shaacin.

Sidoo kale, war kasoo baxay taliska milatariga dowladda Iran ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay duqaymo la beegsatay saldhigyo ku yaalla saddex gobol oo katirsan dalka Iran, duqeymahaasi ayeyna sheegeen milatariga Iran in badankood laga hortagay lana fashiliyay.

Dhanka kale, milateriga Iran ayaana xaqiijiyay in duqeymaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay saldhigyo waa weyn oo militari  kuwaa oo ku kala yaalla gobollada Ilam, Khuzestan iyo Tehran, waxaana duqeymhaasi la sheegay in ay ahaayeen kuwa aad u cuslaa oo saldhigyadaasi lala eegtay.

Bayaanka ka soo baxay ciidamada qalabka sida ee dalka Iran oo laga akhriyay talefishinka qaranka, ayaa lagu sheegay in duqeymaha Israa’iil badankood laga hortagay , waxaana telefishinka lagu baahiyay muuqaalo laga soo qaaday goobihii ay weeraradu ka dhaceen oo aysan waxyeelo weyn ka muuqan.

Milateriga Iran ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay xaddideen khasaaraha ka dhashay duqeymaha Israa’iil, waxa ayna intaa ku dareen in ay diyaar u ahaayeen kahortaga weerarka aargoosiga ah ee Israa’iil saakay aroor hore kusoo qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.