Isra’iiliyiin oo xoggo sirdoon siinaayay sirdoonka dowladda Iran oo lasoo xir xiray.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Israa’iil, ayaa gacanta ku dhigay dad ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa Iran, kuwaa oo xoggo sirdoon oo xasaasi ah siinayay siroonka dowladda Ilaalada Kacaan ee Iran.

Sidoo kale, Wargeyska Walla ee kasoo baxa Israa’iil, ayaa ku warramay inay laamaha ammaanka Israa’iil gacanta ku dhigeen toddob qof oo u dhashay  Israa’iil, kuwaa  oo ku eedeysan inay la shaqeynayeen sirdoonka dowladda Iran.

Dhanka kale, Waraysi dadkan la xir xiray laga qaaday ayey ku sheegeen in ka badan 600 oo bartilmaameed oo gudaha Israa’iil ah oo ay qorsheynayaan wakiillada Iran inay weerarro ka fuliyaan, xogtan goobahan ayaana si hoose loo siiyay sirdoonka Israa’iil.

Laamaha ammaanka ee Israa’iil, ayaa ka wel welsan duqeymo iyo weeraro ka dhacay gudaha Israa’iil, kuwaa oo lala helay bartilmamaeedyo ciidan iyo guriga Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu, waxa ayna tuhmayaan ciidamada ammaanka in xoggo si hoose loo bixinayo.

Sirdoonka Iran ayaa baadigoob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen xoggo sirdoon oo gudaha Israa’iil, xilli ay Iran diyaarineyso weeraro aargoosi ah haddii ay Israa’iil weeraro kusoo qaado gudaha Iran, gaar ahaan goobo istiraatiiji ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.