John Daniel oo kamid ah dadka caanka ka ah barta Tiktok oo diyaaradda Ethopian Airlines buuq ka dhexsameeyay oo kiis argagixiso lagu soo oogay.

Addis Ababa (Raxanreeb online) – Maalmo ka hor waxaa baaritaan argagixisinimo la xiriira lagu bilaabay lix ruux oo qalalaase ka dhex abuuray diyaaradda Ethopian Airlines oo isku diyaarineysa duulimaad ay isaga kala gudbeysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Mekele.

Inkasto maalinkaas ay maamulka diyaaradda Ethopian Airlines sheegeen in aysan duulimaadkeedii sameyn Karin sababo la xiriiray ceeryaamo, ayaa hadana waxaa la arkayay muuqaal la sii daayay oo ay ka dhex muuqdaan qaar ka mid ah rakaabka oo la murmaya shaqaalaha diyaaradda, iyaga oo sheegayay in aysan ka dagaynin diyaaradda.

Sidoo kale, qaar kamid ah rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa waxaa la maqlayay iyaga oo leh, “Ma dagayno” waxaana muuqaalka si toos ah ugu baahinayay baraha bulshada qof lagu magacaabo ‘John Daniel’ oo dad aad u badan ay ku xiran yihiin bartiis bulsho ee TikTok.

Dhanka kale, dhacdadaas ayaa noqotay mid hadal hayn badan abuurtay ayaa hadana dadkii qaybta ka ahaa, gaar ahaan John Daniel waxa uu dhaleecayn xoogga iyo cambaarayn kala kulmay baraha bulshada.

Dadka qaar ayaa waxay ku baaqayeen in talaabo adag ay ka qaaddo diyaaraddu ama ay ciidamada ammaanku ay talaabo ka qaadaan.

Kadib markii dhacdadaasi ay si wayn u baahday ka dib, waxaa hadana soo baxay warka sheegaya in dadkii ku lug lahaa dhacdadaas oo uu kamid ahaa qofkii TikToker ka ahaa in ay qaybteen ciidamada booliska oo ay xabsi dhigeen. Waxaana qabashadoodu ay ahayd maalmo ka hor.

Intaas ka dib ayaa sida ay baahiyeen ciidamada booliska dawladda federaalka Itoobiya maalinimadii Axadda, shan qof iyo TikToker lagu magacaabo John Daneil waxaa lagu bilaabay baaritaan argagixisinimo laga baarayo.

Magacyada dadka tuhmanayaasha ah ayaa waxay boolisku ku kala sheegeen John Daniel, Emmanuel Exit, Nathaniel Chewenwenson, Elias Driba, Yeddia Lisbeth iyo Eleni Knefe, waxaana dhamaantood ay haatan ku jiraan gacanta booliska dalkaasi.

Sida laga soo xigtay booliska, lixda qof ee tuhmanayaasha ah “ayaa sababay in diyaaraddu ay awoodi waydo in ay duusho, waxayna sheegeen in la hor geyn doomo sharciga dambiilayaasha”.

Intaas ayaa waxaa lagu sii diray in rakaabkaan diiday in ay diyaaradda isaga dagaan ee haatanna baaritaanka lagu wado in ay u shaqaynayeen “koox nabadda ka soo horjeeda” sidaas daraadeedna haatan baaritaan argagixisanimo lagu wado.

Ugudambeyn, Lixdaan tuhmane ayaa waxaa lagu soo eedeyn doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin “in ay ku xadgudbeen hawlgal duulimaad gudaha iyo dibadaba ah, iyo danbi argagixisanimo” Waxaa kale oo la sheegay in maxkamadda la hor keeni doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.