Kismaayo (Raxanreeb online) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya dhawaan geysay deegaanka Raaskanbooni iyo kuwa maanulka Jubbaland ayaa saakay ka qarxay duleedka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Sida ay wararku sheegayaan dagaalka saakay qarxay ayaa ahaa mid aad u culus oo labada dhinac uu khasaaro kasoo gaaray, waxaana dagaalka la sheegay in ay qaadeen ciidanka Jubbaland.
War goordhaw uu baahiyay TV-ga Jubbaland oo ku hadla afka maanulka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ciidankooda la wareegeen deegaanka Raaskanbooni,, sidoo kale nolosha lagu qabtay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowladda.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifitax Mukhtaar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in 42 askari oo katirsan kuwa dowladda isku soo dhiibeen ciidanka Jubbaland.
“42 askari oo Gogor katirsan ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Jubaland, si wanaagsan ayaana loola dhaqmi doonaa Insha allah, cawaaqibka ka dhasha colaadda laga hurinayo Jubaland waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamza Cabdi Barre,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubaland C/fitaax Mukhtaar.
Ugudambeyn, waxaa adag in la helo xaqiiqada dagaalka saakay ka qarxay duleedka Raaskanbooni, maadaana aagga lagu dagaallamay isgaarsiinta ka maqan tahay , mana jiro wax war ah oo dhinaca dowladda kasoo baxay oo ku aadan dagaalka qarxay iyo cidda hadda maamuleysa Raaskanbooni.
Leave a Reply