Nairobi ( Raxanreeb Online) Kenya ayaa Soomaaliya u dhoofisa inta u dhaxaysa 13 ilaa iyo 17 tan oo qaad ah maalin kasta, sida uu xaqiijiyay wasiirka beeraha Mutahi Kagwe.
Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in in ka badan 40 tan ay dalka ka baxaan maalin kasta, isaga oo ku tilmaamay tirooyinkan kuwa “aad loo buunbuuniyay oo aanay jirin cadaymo la xaqiijiyey oo taageeraya.”
Wasiirku waxa uu u nisbeeyay kala duwanaanshaha xadiga dhoofinta la soo sheegay ee isbedbeddelka suuqa, farqiga awoodda xamuulka, iyo dhaqdhaqaaqa isbeddellada suuqyada.
Kagwe ayaa u xaqiijiyay baarlamaanka in dowladdu ay is waafajisay diiwaannada dhoofinta ee guud ahaan Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA), KenTrade, iyo Hay’adda Dakhliga Kenya iyada oo la isugu keenay hal madal kombiyuutar oo midaysan.
“Markii ugu horreysay, xogta dhoofinta qaadka waa mid shaqaynaysa ayadoo aan loo jeedin, la xaqiijin karo, oo dhammaan hay’adaha oo dhanna ay ku wada midaysan yihiin” ayuu yiri.
Wargayska The Star ayaa qoray in sida laga soo xigtay AFA, Kenya ay Soomaaliya u dhoofisay in ka badan 17 milyan oo kiilogaram oo qaad ah tan iyo bishii Luulyo 2022, markii suuqa uu dib u furmay ka dib toban sano oo xayiraad ay ka saarnayd Yurub.
Qaadku waa dalagga muhiimka ah ee Kenya, kaasoo ay beertaan ku dhawaad 110,000 beeraley ah ku dhawaad 360,940 eekar oo dhul ah, taas oo taageerta nolosha qoysas badan.
Laga soo bilaabo 2023, dawladdu waxay soo aruurisay 67.9 milyan oo shilin oo canshuur ah taasoo ka soo xarootay qaadka, ayadoo dib loogu maalgalinayo cilmi baarista, ballaarinta suuqa iyo horumarinta kaabayaasha.

Leave a Reply