Khilaafka dowladda federaalka & koonfur Galbeed oo heshiis horudhac ah laga gaaray.

Beydhabo (Raxanreeb online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in isfaham horudhac ah laga gaarey khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow labada madaxtooyo ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan uu xalay telefoonka kuwada hadalsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale, labada masuul oo muddo saacado ah wadahadalkoodu qaatay ayaa diirada saaray xalinta khilaafka maalmahan hareeyey DF iyo K/Galbeed kaasoo salka ku haya arrimamaha doorashada maamulkaas iyo ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale, Wadahadalka ayaa, sida xogta tilmaameyso, waxay dhinacyada isku afgarteen in Laftagareen uu kasoo qeybgalo shirka golaha wadatashiga qaranka kaasoo lagu waddo inuu Muqdisho ka dhaco 25-ka September.

Sikastaba, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Baydhabo maalmo ka hor, isagoo ergo ka ah Madaxaweyne Xassan Shiikh si uu ugu qanciyo Laftagareen oo uu sodog u yahay inuu yimaado Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.