Garoowe ( Raxanreeb Online) Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta soo saaray xeer madaxweyne oo lagu dhisayo hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland ( PID).
Wareegtada kasoo baxday xafiiska Deni ayaa u qorneed sidan.
Madaxweynaha Puntland, markuu arkay: Dasruuka dowladda Puntland
Markuu arkay baahida loo qabo dhismaha hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland.
Markuu arkay talo soo jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey: –
Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Geesta kale tallaabadan ayaa imaaneysa iyada uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan aqoonsiga dadweynaha oo ay biloowday dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Leave a Reply