Maamulka Somaliland oo muddo 21 cisho ah uqabtay shirkadaha diyaaraha Ethiopian Airline & FlyDubia.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Maamulka Somaliland oo shirkadaha Ethiopian Airlines iyo FlyDubai u qabatay muddo 21 cisho ah inay dib ugu qoraan Magaca Somaliland duulimaadyadooda Hargaysa iyo Berbera.

Sidoo kale, arrintan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay hay’ada duulista Madaarada ee Somaliland hasa yeeshee qoraalka laguma sheegin talaabada laga qaadayo labada shirkadood hadii ay fulin waayaan amarkaasi.

Dhanka kale, Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo FlyDubai ayaa dhowaan u hoggaansamay amar ka soo baxay dowlada Somalia oo ahaa iney barahooda internetka ka saaraan magaca Somaliland, kuna bedelaan Somalia marka ay tilmaamayaan magaalooyinka ay duulimaadyada ku tagaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ugu hanjabtay labada shirkadood iney amarkaas ku fuliyaan saddex cisho hadii ay fulin waayaana lagala laaban doono ruqsada duulimaadyada ay ku yimaadaan magaalooyinka dalka, labada shirkadood ayaa amarkaas markii dambe sidiisa u dhaqancgaliyay.

Somaliland ayaa ka carootay amarka ay labada shirkadood u hoggaansameen ee ka soo baxay dowladda Somalia, iyagoo sheegay in ay arrintaasi tahay meel ka dhac iyo xad gudub loo geystay wax ay ugu yeereen madax banaanidooda.

Sikastaba, khilaafkan ayaa ah midii sii hurinaaya xiisada udhexeyso DF iyo Somaliland, iyadoo ay horey ujiray khilaaf kan ka xooggan oo ay Somaliland heshiis kula gashay Ethiopia si ay ugu hesho madaxbanaani Qaran, balse arrintaasi dowladda Somalia ayaa mowqif adag ka qaadatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.