Maamulka Soomaaliland oo cambeereysay hadalo dowladda federaalka kajeedisay fadhiga golaha Qaramada Midoobay.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Maamulka Somaliland ayaa si adag uga horyimid hadalladii dhawaan dowladda Soomaaliya ka jeedisay shirkii Qaramada midoobay kaas oo ku wajahnaa doorashooyinka madaxtooyada iyo ta ururrada siyaasadda ee dhawaan ka qabsoomi doonta deegaannada Somaliland.

Sidoo kale, War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay hadallada dowladda Soomaaliya yihiin qaar aan sal iyo raad lahayn waxa ayna xuseen in haddaladaasi wax ugu dhimayaan xuquuqda dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida shacbiga Somaliland.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxa ay xustay in maamulka Muqdisho ay xukumaan qayb yar oo ka mid ah waddankooda oo ay harreysay xasilooni darro, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay xukunto maleeshiyada Al-shabaab.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale caddeysay in aanan dowladda Federaalka Soomaaliya sharci ahaan iyo xukun ahaan midna ka hadli karin arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland.

Waxa kaloo xukuumadda Somaliland ku dooday in dowladda Soomaaliya ay ku fashilmeen inay waddankooda ka qabtaan doorashooyin daahfuran oo loo dhan yahay, iyadoo doorashooyinkoodu aanay ahayn qaar qof iyo cod ah oo dadweynuhu ka qaybgalaan, isla markaana ay wax lagu qoslo tahay in Madaxweyne noocaas ahi uu ka hadlo hannaamka dimuqraadiyadda Somaliland ee sida wanaagsan u agaasiman.

Sikastaba, maamulka Somaliland ayaa ugu baaqday Xukuumadda Soomaaliya inay ku foognaato furdaaminta ququlatooyinka ka jira gudahooda, oo ay soo celiyaan nabada iyo xasiloonida dalkooda, inta ay ka hadlayaan arrimo ka baxsan maamulkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.