Maamulka waqooyi Bari oo cadeeyey inaysan sii deeyntoonin maxaabiista ciidamada Somaliland

Laascaanood ( Raxanreeb Online) Maamulka waqooyi Bari ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay siideynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay xerada Gooje cadde sannadkii 2023-kii.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari, Dr Aadan Cabdullaahi ayaa sheegay in aysan suura gal aheyn in lasii daayo maxaabiista ciidamada Somaliland, iyada oo aan la gaarin heshiis nabadeed.

“Ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suuragal ah in la horkeeno maxkamad si loogala xisaabtamo xasuuqii iyo barakacintii loo geystay shacabka Laascaanood,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in haddii wadahadal dhab ah oo dhaca oo Somaliland ogolaato heshiis nabadeed, ay dhankooda diyaar u yihiin in ay siidayaan maxaabiista u xiran.

Waxa uu carabka ku dhuftay guddoomiye Dr Aadan, inta ay Somaliland aamisan tahay in dhulkooda ay xoog ku qabsan karto aysan suuroobi doonin siideeynta maxaabiista.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkii hore ay siidayeen 25 maxbuus balse uusan garaneynin waxa lagu badashay sii deyntooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba, dhowaan madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku baaqay in maxabiista labada dhinac la kala hayo la sii daayo, si loo xoojiyo nabada iyo dib u heshiisiinta gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.