Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay wax ka qaban weysay colaada bariga dhexe

Tehran (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, ayaa dhaleeceeyay  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uuna sheegay in golaha uu ku guul dareestay in ay wax ka qabtaan colaada bariga dhaxe, gaar ahaan dhibaatada Isra’il ka geesaneyso dhulalka Falastiin iyo Lubnaan.

Sidoo kale, Masoud Pezeshkian, ayaana si kulul u weeraray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu sheegay inay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan colaada bariga dhexe, waxa uuna xusay waxa dhacaya kaliya indhaha ka eeganayaan ayna sameeneyn ficil waxtar leh..

“Dabka dagaalku wuxuu weli ka socdaa Marinka Gaza ee Falastiiniyiinta iyo magaalooyinka Lubnaan, iyo hay’adaha caalamiga ah iyo shirarka, iyo ugu sarreeya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ah darawallada nabadda iyo amniga caalamiga ah, ayaa ka maqan waxtarka lagama maarmaanka ah si loo damiyo. dabka shidan ”  ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo ka hadlay  kulanka BRICS ee Ruushka.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku fashilmay in ay wax ka qabtaan xasuuqa ay Israa’iil ka geesaneyso magaalada Gaza iyo sidoo kale magaalooyin kuyaalla Lubnaan, waxaa sidoo kale xasuuqa Israa’iil sheeda ka eeganaya waddamada reer Galbeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.