Madaxweynaha Iran oo sheegay ciddii loogu aargudaayay weerarkii xalay ay ku qaadeen isra’iil.

Tehran (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Iiraan Massoud Pezeshkian, ayaa difaacay weerarka Iiraan ee xalay, waxaana uu uga digay Israa’iil fariin uu ku soo qoray barta X.

Sidoo kale, madaxweyne Pezeshkian ayaa sheegay in iyadoo lagu saleynayo xuquuqda sharciga ah ee Iiraan iyo ujeedka nabad iyo amni u ah Iiraan iyo gobolka, ay tani tahay  jawaab go’aan adag ah oo la siiyay Israa’iil laguna difaacayo danaha iyo muwaadiniinta Iiraan.

Wuxuu uga digay Israa’iil in weerarka caawa uu ahaa kaliya ‘aragti yar’ oo ka mid ah awoodaha Iiraan isla markaana aysan ku ‘lug yeelan dagaal’ Iiraan

Dhanka kale, Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in weerarradu ay jawaab u ahaayeen dilka Israa’iil ee taliye sare oo ka tirsan IRGC iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan maleeshiyaadka taageerada ka hela Iiraan ee gobolka.

Waxay xuseen dilka hoggaamiyaha Xisbullah Hassan Nasrallah iyo taliyaha IRGC Abbas Nilforoshan ee Beyruut lagu dilay isbuucii hore.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh oo bishii Luulyo lagu dilay Tehran inkasta oo Israa’iil aysan qiran inay ka dambeysay dilka Haniyeh, haddana waxaa si ballaaran loo rumeysan yahay in ay masuul ka tahay.

Ugudambeyn, Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyaha sare ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, uu si shaqsi ah amarka weerarka u bixiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.