Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyay inuu aqoonsanayo Somaliland, oo laga yaabo in dib u dajis loogu sameeyo deegaanadeeda shacabka Reer Falastiin, Trump ayaa yiri “ arrintani hadda gacanta ayaan ku heynaa”.
Madaxweyne Trump ayaa su’aashaan la weydiiyay xili xalay heshiis nabadeed u kala saxiixay dalalka Azerbijan iyo Armaaniya oo muddo fog ay colaad ka dhaxeeysay.
Waxa uu sheegay in arrinta soo Somaliland ay miiska saaran tahay, isla markaana ay ku howlan yihiin go’aanka laga gaari doono.
“Arrintaa gacanta ku haynaa hadda, waa su’aalo wanaagsan waa xaalad kale murugsan, laakiin hadda arrintaan waan ka shaqeynaa arrinta Somaliland,” ayuu ku yiri jawaab madaxweyne Trump.
Sikastaba, hadalka madaxweyne Trump, ayaa imaanaya kaddib markii dhowaan warbaahinta Mareykanka uu qabsaday heshiis soo jiitay dhagaha shacabka Mareykanka oo uu madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ( Cirro) uu Washington u soo bandhigay inuu la galayo heshiis dhanka Macdanta, isla markaana Mareykanka saldhig ku yeesho magaalada Berbera, taasi badalkeedana uu aqoonsado Somaliland.

Leave a Reply