Madaxweynaha Ukraine oo wuxuushnimo ku tilmaamay weeraro uu Ruushka ka fuliyay Ukraine Isniintii.

Ukraine (Raxanreeb online) – Ruushka ayaa maalinimadii Isniintii ee shalay gantaalo ku garaacay inta badan magaalooyinka dalka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura.

Sidoo kale, weerarkaasi waxaa cambaareeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo ku tilmaamay mid ‘wuxushnimo ah’ ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan sida ay wararku sheegaayaan.

Dhanka kale, Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo  diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe dalkaasi.

Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii, waxana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah.

Ra’isulwasaaraha Ukrain Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidanka Ruushka ay ilaa 15 gobol oo ka tirsan Ukraine ku garaaceen gantaallo isugu jira, kuwa diyaaradaha darooniska, gantaallada Kuruuska ee maraakiibta laga soo tuuro, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa baalistiga ah.

Ugudambeyn, meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay in duqeymaha ay carqaladeeyen Biyaha iyo Korontada ayna halis tahay in nolasha dadka ay ciriiro gasho mar haddii lawaayo Korontadii iyo Biyihii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.