Madaxweyne Biixi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa oo xariga ka jaray Xabsi weyn oo laga dhisay gobolka Maroodi-Jeex.

Maroodi-Jeex (Raxanreeb Online) – Madaxweynaha mamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xarigga ka jaray xabsi labaad oo uu yeelan doono gobolka Maroodi-jeex, kaas oo laga hirgeliyey deegaanka halleeya ee Bariga magaalada Hargeysa.

Sidoo kal, munaasibadda xarig jarka waxa madaxweynaha kala qaygalay guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xeer ilaaliyaha guud, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale waxana laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu xabsigani leeyahay iyo baahida loo qabay.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf Libaax oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay muhiimadda uu xabsigani leeyahay iyo sida uu wax badan uga tari doono cariirigii ka haystay dhinaca maxaabiista ay ciidamada Asluubtu gacanta ku hayaan, waxana uu madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu ugu dhiirraday in xabsigaasi dhammaystirmo.

Dhanka kale, Wasiirka wasaaradda caddaaladda maamulka Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa dhankiisa bogaadiyey inuu xabsigani dhammaado, waxana uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddu tixgelin gaar ah siisay inay magaalada Hargeyso yeelato xabsi labaad oo lagu xareeyo maxaabiista xukunku ku dhacay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa guul weyn ku tilmaamay in la hirgeliyo xabsi baaxad leh oo lagu labeeyo xabsigii weynaa ee gudaha magaalada Hargeysa, waxana ay bogaadiyeen masuuliyiinta hawshaas gacanta ku haysa.

Ugudambeyn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xarig jarka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey bahda caddaaladda, waxana uu rajeeyey inuu xabsigani wax badan ka taro xoojinta amniga, waxana uu yiri, “Bahda caddaaladda waan ku hambalyeynayaa inay dhammaantood ka qayb qaateen dhismaha xabsiga, talo ahaan, aqoon ahaan iyo dhiirrigelin ahaanba, mar labaad na hambalyo, Insha Allah waxa uu noqon doonaa mid wax weyn ka tara amniga dalka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.