Madaxweyne Biixi oo kulan laqaatay safiirka Midowga Yurub ujooga Soomaaliya Amb. Karin Johansson.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amb. Karin Johansson.

Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Amb Karin Johansson ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xiriirka midowga yurub iyo maamulka Somaliland, mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac.

Dhanka kale, , waxa kulanka labada dhinac yeesheen lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka maamulka Somaliland ee bisha soo socota ee November qabsoomeysa , nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha  Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Sikastaba, doorashada dhawaan ka dhaceysa deegaannada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku tartamaya xisbiyadda ka jira Somaliland, wakiillada beesha caalamka ayaana kala shaqeeya Somaliland sidii ay u dhici laheyd doorasho daah-furan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.