Hargeysa (Raxanreeb online) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa maanta magaacabay golihiisa wasiirada ka dib markii uu xilka la wareegay maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore.
Wareegto maanta oo Sabti ah, 14ka December 2024, kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, ayaa lagu shaaciyay magacaabista wasiirada cusub oo ka kooban 28 wasaaradood.
Madaxweyne Cirro, oo ka yimid xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday Somaliland 13kii November.
WASAARADO CUSUB
Somaliland ayaa hore u lahaan jirtay 25 wasaaradood, waxaana madaxweyne Cirro uu soo kordhiyay saddex wasaarad oo ku cusub golaha xukuumadda.
Wasaaraddii arrimaha gudaha ayaa loo kala jabiyay labo qeybood oo kala ah; Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Horumarinta Gobollada, halka meesha laga saaray magacii arrimaha gudaha.
Wasaaradda duulista hawada, oo markii hore ahayd hay’ad ayaa hadda la magacaabay, waxayna yeelanaysaa wasiir buuxa.
Sidoo kale, wasaaradda madaxtooyada oo leh wasiir buuxa ayaa la magacaabay, halka berigii hore ay ahayd agaasinka madaxtooyada oo kaliya.
Isbeddeladan ayaa loo aaneynayaa inuu Madaxweyne Cirro doonayo in xukuumaddiisu ay noqoto mid la iska dhex arko, oo qabiillo badan iyo deegaamo qaar oo aan hore wax u heli jirin ay hadda wax helaan.
BEELO XILAL WASIIR LA SIIYAY MARKII UGU HORREYSAY
Beelaha Gabooye, Gurgura, Akisho iyo Ayuub oo hore aan loo siin jirin xilal wasiir buuxa ayaa hadda la siiyay wasaarado dhameystiran.
Afartan beelood ayaa ka mid ah kuwa la gacan-bidixeeyo ee Somaliland.
Waxaana arrinkan durba lagu tilmaamay tallaabo muhiim u ah u caddaalad falidda dadweynaha reer Somaliland.
Sidoo kale, xukuumadda madaxweyne Cirro waxaa ka soo muuqday wasiiro kasoo jeeda beelaha Bariga gaar ahaan Sool iyo Sanaag, inkasta oo Sool ay hadda ka taliyaan maamulka SSC-Khaatumo oo dagaal adag la galay Somaliland, halka qeybo ka mid ah Sanaag ay ka tirsan yihiin Puntland.
LIISKA WASIIRADA IYO QABAA’ILKA
- Abdalle Sandheere Wasiirka Amniga ( Ciise Muuse, Maxamed Ciise )
- Xasan Ducaale Macalin, Wasiirka Dowladaha Hoose ( Habar Jeclo )
- Yoonis Axmed Yonis Wasiirka Cadaalada ( Toljecle )
- Abdilahi Xasan Adan, Wasiirka Maaliyada ( Sacad Muuse )
- Abdiraxmaan Daahir Aadan Wasiirka Arimaha Dibada ( Samaroon )
- Dr Xuseen Bashiir Wahan, Wasiirka Caafimaadka ( Ayuub )
- Xuseen Axmed Caydiid Wasiirka Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryaynta ( Arab )
- Khadar Xuseen Abdi, Wasiirka Madaxtooyada ( Garxajis, Ciidangale )
- Cali Jamac Farax, Wasiirka Khaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda ( Warsangali )
- Maxamed Yusuf Cali, Wasiirka Gaadhaandhiga Iyo Dufaaca ( Habar Jeclo )
- Eng Ahmed Jamac Bare, Wasiirka Tamarta Iyo Macdanta ( Samaroon )
- Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Madar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka ( Sacad Muuse )
- Cismaan Afgaab, Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka ( Garxajis, Xirsi Cismaan )
- Proff Ismaciil Yuusuf Ducaale, Wasiirka Waxbarashada Iyo Sayniska ( Habar Jeclo, )
- Abubakar Abdiraxmaan Good, Wasiirka Biyaha ( Samaroon )
- Marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe, Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Iyo Qoyska ( Arab, )
- Maxamuud Cige Yusuf, Wasiirka Horumarinta Beeraha ( Gabooye )
- Fu,aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista iyo Hawada Sare ( Sacad Muuse,)
- Axmed Yaasiin Sheekh Ayaanle, Wasiirka Warfaafinta ( Samaroon )
- Abdilaahi Geeljire, Wasiirka Deegaank iyo Isbadalka Cimilada ( Garxajis, Isaxaaq Carre )
- Axmed Awdaahir Xaji Xasan , Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha Dastuurka ( Habar Jeclo )
- Jamaal Maxamed Jamac, Wasiirka isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada ( Dhulbahante )
- Saleeban Ducaale X. Jamac, Wasiirka Dub Udajinta Arimaha Bila Aadanimada ( Habar Jeclo )
- Axmed Maxamed Faarax, Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada ( Ciise )
- Cumar Shucayb Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha ( Ciise Muuse, Aadan Ciise )
- Sheekh Abdilaahi Daahir Jaamac, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta ( Habar Jeclo, )
- Abdiraxaman Xasan Nuur, Wasiirka Ganacsiga Iyo Dalxiiska ( Garxajis, Ciidangale )
- Siciid Maxamed Bulaale, Wasiirka Horumarinta Iyo Maalgashiga ( Warsangali )
Leave a Reply