Madaxweyne Qoor Qoor oo xilka ka qaaday Wasiirka warfaafinta Galmudug + Sababta.

Galmudug (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa wareegto uu xalay soo saaray xilka uga qaaday Wasiirkii Warfaafinta maamulkaasi Abshir Cabdi Sheekow, oo kamid ahaa wasiirrada aadka ugu dhawaa Madaxweynaha.

Sidoo kale, Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Qoorqoor ayuu xilka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ugu magacaabay siyaasi Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), oo horey xilal kala duwan usoo qabtay una soo noqday xildhibaan heer Federaal ah.

Dhanka kale,  Qoor Qoor wasiirka uu xilka ka qaaday ayaa kamid ahaa xubnaha aadka ugu dhawaa madaxweynaha, waxa uuna ninkan marar badan dakano tolkiisa ah u galay isaga oo fulinayay amarka  Qoor Qoor.

Wasiir Abshir ayaa kamid ahaa xubnihii ka shaqeeyay in degmada Xarardheere xoog iyo xeyladba lagu geeyo guddoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay, kaa oo khilaaf xooggan ka dhalatay magacaabistiisa ayna ka caroodeen inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Saruur.

Qoor Qoor oo  wadahadallo la yeeshay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Saruur ayaa lagu cadaadiyay in shaqada ka eryo wasiir Abshir, oo la sheegay in beeshiisa kala dhinteen uuna noqday nin fulinayay amarka Qoor Qoor.

Wasiirka ayaa hadda soo istaagay meel cidlo ah, waxaana ku abaal-dhacay madaxweynihii uu dartiis ula colloobay siyaasiyiin iyo qeybo badan oo bulshada beeshiisa ka tirsan, waxa uuna madxaweynaha wasiirkan baddelkiisa qaatay nin kale uu doonayo in carada beesha ku dejiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.