Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta lagu wadaa in markale ay Villa Somalia kulan ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha golaha samata-bixinta Soomaaliyeed oo hoggaaminayo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Shirka ayaa si gaar ah waxa ay xubnaha uga hadli doonaan wax-ka badalkii lagu sameeyey dastuurka KMG ah ee dalka.
Golaha samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa dhowr mar waxa ay dowladda ku dhaliileen in wax ka badalka lagu sameeyey dastuurka aan laga tashan saamileyda siyaasadeed, taasina ay dhaawici karto geedi socodka dalka.
Xubnaha mucaaradka ayaa si gaar ah uga soo horjeeda cutubka 4-aad ee dastuurka KMG ah badalka lagu sameeyey.
Sidoo kale xubnaha mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa kulankooda kaga hadli doonaa nooca doorashada dalka ka dhici doonto 2026, iyada oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay horay u shaacisay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhici doonto, balse waxaa aad ugu soo horjeeda mucaaradka uu sheegay in xaalada amni ee dalka aysan suura gelin Karin in dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo.

Leave a Reply