Kismaayo ( Raxanreeb Online) Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland.
Garoonka diyaaradaha ee Sayid Cabdulle Xasan, waxaa madaxweynaha iyo wefdigiisa ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Jubbaland.
Wefdiga madaxweynaha, waxaa qeyb ka ah xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiirro iyo mas’uuiyiin kale.
Ajendaha kulanka Kismaayo ayaa ah mid aan xog badan laga hayn, iyadoo la ogyahay in dowlada federaalka aysan aqoon sanayn Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kale dagaallo dhiig badan ku daateen labada dhinac ku dhexmareen gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.
Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa isu soo dhoweynta labada dhinac, waxaana hore u jiray wadahadal khadka taleefoonka oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe dhexmaray, kaas oo uu isku xirkiisa lahaa taliyaha sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji.

Leave a Reply