Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa soo gabe-gabeeyey safarkii uu shalay ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasi kulan kula yeeshay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.
Wararka hordhac ah ayaa sheegay in natiijo la’aan ay ku soo dhammadeen kulamada ay labada dhinac yesheen, waxaana isku mari wayeen, qodobo la dhinac muhim ah.
Axmed Madoobe, ayaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kasoo sagootiyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Villa Somalia oo qoraal kasoo saartay kulankii u dhaxeeyey madaxweynha dalka iyo Axmed Madoobe, ayaa sheegtay in wada-hadalo ay meel wanaagsan marayaan isla markaana lasii wadi doono.
Geesta kale madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Jubbaland ay mar walba ay caddeynayso inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro.
Sidoo kale madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga mahadceliyay shacabka Jubaland niyadsamida ay muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da iyo qadiyadahooda gaarka ah.
Ugu dambeyn madaxweynaha Jubaland, ayaa tilmaamay inuu u mahadceliyo Dowladda Kenya dadaallada ay ku bixinayso sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanta jirta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya.

Leave a Reply