Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha wadankaas Mudane Abiy Ahmed.
Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay kawada hadeyn iskaashiga labada dal, iyo laga fogaado waxkasta oo dhaawici kara midnimada iyo madaxbanaannida labada dal.
“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo la dhiirrigelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada wadan, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.
waxa uuna madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.


Leave a Reply