Madaxweynihii hore ee dalka Peru Alberto Fujimori oo geeriyooday muddo uu laxanuusanaa cudurka Kansarka.

Peru (Raxanreeb online) – Madaxweynihii hore ee dalka Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorki uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse marki danbe xabsi u galay gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadi geeriyooday.

Gabadha uu dhalay Fujimori, Madaxweyne Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku leedahay ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa.

Sidoo kale, Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay, isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-ki.

Dhanka kale, Wuxuu salka u dhigay oo uu xasiliyay dhaqaalaha Peru, kaddib marki uu xakameeyay sicir-bararka, isla markaana shaqooyin u abuuray malaayiin qof wuxuu kaloo shirkado gaar ah u baddalay shirkado badan oo ay dowladda maamuli jirtay, sidoo kalana laalay tacriifta ganacsiga.

Hase yeeshee, waxaa marki danbe Madaxweyne Fujimori  loo xiray eedo la xiriiray gabood-fallo ka dhan ah xaquuqda  aadanaha oo oo ka dhashay dagaal dhiig badan ku daatay oo ay dowladdiisa la gashay fallaagada Maoist-ga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.