Qaahira ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Badr Abdelatty, ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in ciidanka Masar ay ku biiraan howlgalka midowga Afrika AUSSOM ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Masar ay ka codsatay in ciidamo u soo dirto si ay uga caawiyaan la dagaallanka Al-shabaab iyo kooxaha argagixisada.
“Waxaan halkaas u joognaa codsi ka yimid dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika, waxaana nagula marti-qaaday guddiga nabad iyo amaanka ee midowga Afrika. Sidoo kale waxaa naloo soo diray codsi ka yimid Soomaaliya, sidaas daraadeed annaga iskuma qorqoreyno, iskumana qasbeeyno joogitaankeena”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Badr.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Masar ay ogolaatay in Soomaaliya ay ka caawiso midnimada iyo madax-banaannida dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Masar, ayaa ku soo aadaya xili sannadkan ciidanka Masar ay ka mid noqdeen howlgalka midowga Afrika AUSSOM, oo dowladda Soomaaliya ka taageera amniga dalka.

Leave a Reply