Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee golaha wasiirrada xukuumadda ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana warbixino looga dhageystay qaar kamid ah wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Khawaarijta looga saarayo dalka.

Shuruucdan ay goluhu ansixiyeen, ayaa qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.