Maxey kawada hadleyn Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed & Safiirka Itoobiya u fadhiya Somalia ?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa  kulan gaar ah kula qaatay  Magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amp Sulaiman Dadafo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashiga Dowlada Koonfur Galbeed iyo Dowladda Itoobiya Dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada ee labada Dowladood.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa uga mahadceliyay Dowladda Itoobiya taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan Dowlada Koonfur Galbeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac si loo gaaro nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Madaxweynaha iyo Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan xasillinta iyo horumarinta gobolka, wuxuuna balanqaaday in Itoobiya ay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.