Maxey kawada hadleyn Siciid Deni iyo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ?

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la kulmay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya oo ay wehlinayaan saraakiisha amniga ee Geeska Afirka, kulanaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo kamid ah la dagaalanka kooxda Daacish, Amniga guud iyo xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa wadajir ugu jira dagaalka Calmiskaat ee lagula dagaalamayo kooxaha Daacish, waxaana dhinacyadu isla meel dhigeen in sare loo qaado beegsiga horjogayaasha kooxda Daacish, iyo sidoo loo ciribtiri lahaa.

Dawladda Mareykanka ayaa 76 duqeymood ka fulisay Calmiskaat tan iyo bishii Febarayo, markii uu si toos ah amarkan u bixiyey madaxweynaha Mareykanka ee Trump, taas oo loo arko in ay tahay sida dowladda Mareykanka uga go’an tahay garab istaaga Puntland & ciribtirka kooxda Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published.