Maxey kawada hadleyn Siciid Deni iyo xubno katirsan mucaaradka oo…

Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay la kulmay guddiga farsamada ee golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay howlaha hortabinta u leh golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooya maamulka Puntland.

Guddiga farsamada golaha mustaqbalka, ayaa ka kooban 6 xubnood oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, kuwaasi oo hadda u jooga magaalada Garoowe  dajinta istaraatiijiyada iyo qorshayaasha ay golaha ku wajahayaan xiliga kala guurka.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in maalmaha soo socda magaalada Garoowe ay shir ku yeelan doonaan xubnaha golaha mustaqbalka oo ku mideysan maamulka Puntland, Jubbaland iyo madasha samata-bixinta Soomaaliyeed, kulamadaasi oo ay uga hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka oo xiligan ah mid cakiran.

Golaha mustaqbalka Soomaaliya, ayaa horay u sheegay in aysan aqbali doonin muddo kororsi ay sameeystaan goleyaasha dowladda federaalka, iyaga oo sheegay in haddii ay taasi dhacdo ay dhankooda qaadi doonaan tallaabo culus.

Shirkan la filayo in ay magaalada Garoowe ku yeshaan golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa ku soo beegmaya xili habeen ka hor ay magaalada Muqdisho kulan ay ku shegeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh, kulankoodana uga hadleen xaalada siyaasadeed iyo hannaanka looga gudbi karo is mari waaga u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.