Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa kulan midho-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Mr. Charles King, kadib kulan ka dhacay xarunta Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray dadaallada horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Dan Qaran ay ka wadaan dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, kobcinta dakhliga gudaha, iyo horumarinta fursadaha maalgelin ee labada dal iska kaashan karaan.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa ah saaxiib dhow oo door muuqda ku leh horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-habaynta maaliyadeed iyo taageerada dhaqaalaha dalka.

Leave a Reply