Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kala wareegay Hay’adda UNDP gawaari loogu talagalay hey’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Wasiirka ayaa sheegay in gawaaridan ay muhiim u yihiin xoojinta iyo tayeynta hay’adaha amniga, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan kor u qaadidda adeegyada lagu sugo amniga iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.
Gawaaridan oo tiradoodu tahay lix, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hey’adaha amniga ee lagu fulinayo Mashruuca JPP Face 2 — barnaamij uu maalgeliyo Midowga Yurub (EU), ayna fuliyaan UNDP iyo hay’adaha amniga dalka. Barnaamijkan wuxuu diiradda saaraya:

Leave a Reply