Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda dalka, kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo xoojinta hannaanka curdunka ah ee dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.
Geesta kale, Madaxda Ururrada siyaasadda ayaa dhankooda adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay, wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wado qorsho kale oo uu oga dan lee yahay sidii markale mucaaradka ay ugu arki lahayeen in diyaar u yahay in markale miiska wadahadalka laisugu imaado, maadama kulamadii hore ay fashil ku dhammadeen.

Leave a Reply