Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Puntland ayaa wada tadashi la yeeshay In ka badan 30 mudane baarlamaan oo katirsan BFS ee kasoo jeeda Puntland, kulankaas ayaana lagu gorfeeyey ajendayaasha siyaasadda ee hortabinta leh, gaar ahaana xaaladda siyaasadda dalka oo hadda maraysa aag xasaasi ah.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ficilada hadda socdaa ay halis ku yihiin mustaqbalka dalka, ayna muujinayso in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay u dhaqmayaan si ka durugsan dhammaan sharciyada dalka, ayna xero taraareen oo ay waajib tahay in lagu soo celiyo hanaanka sharciyada rasmiga ah.
Wada tadashiyadan ka dib ayaa lafilayaa in ay Puntland soo saarto go`aan rasmi ah oo kuwajahan jihada siyaasadda ee dalka, gaar ahaana wax ka bedelada aan haysan heshiiska ee dastuurka dalka.
Kulanka waxaa ka dhex muuqda qaar kamid ah xildhibaanada Puntland laga soo doortay, oo aysan horey isku siyaasad u hayn madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Leave a Reply