NIRA oo shaacisay in waqti dhow lacag laga dhigi doono qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Hay’adda diwaan gelinta iyo aqoonsiga Qaranka ee NIRA, ayaa shaacisay in wixii ka dambeeyay 31-ka bishan Oktoobar ee sannadkan 2025, qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka uu lacag noqon doono.

Hay’adda NIRA, ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay in wixii ka horeeya 31-ka bishan, ay muwaadiniinta fursad u heystaan in helaan qaadashada Kaarka aqoonsiga kuwa aan weli helin.

“Mudada khidbad la’aanta Kaarka aqoonsiga wuxuu ku egyahay 31-ka bishan, fadlan ka faa’ideyso fursadda oo is diwaan geli xarunta NIRA, ee kugu dhaw” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NIRA.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay hay’adda NIRA, laguma shaacin cadadka lacagta ee lagu qaadan doono Kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Sikastaba, tallabadan ayaa ku soo beegmeysa, iyada oo muddooyinkii dambe goobaha lagu bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka ay saxmad badan ka jirto, maadama dadka sameeysanaya ay safaf dhaa dheer ugu jiraan helitaanka Kaarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.