Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka labada Aqalka, waxa uuna jeediyay khudbad uu kaga hadlay dowladda wax-qabadkeeda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhab ah u guda geli doonto ka faa’iidaysiga shidaalka dabiiciga ah ee dalka, kaas oo la xaqiijiyey inuu ka mid yahay keydadka ugu ballaaran ee shidaal ee laga heli karo caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bilaha soo socda la bilaabi doono wax-soo-saarka ceelkii shidaalka ugu horreeyay, taas oo noqon doonta tallaabo weyn oo horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay arrintani u leedahay koboca dhaqaale, shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha Soomaaliya.
Geesta kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib u gudbay Amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab, isaga oo xusay in albaabada dhaqaalaha laga soo xiray isla markaana laga hor istaagay dadkii ugu tagi jiray deegaanno uu ka xusay Toora-tooray iyo Arbacow oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ka fogaatay qaadashada deyn dhibaato ku noqoneysa dalka , waxa uuna soo jeediyay in la bixiyo canshuurta, si dalka uu horumar u gaaro.
Madaxweynaha oo sii hadlayay, ayaa sheegay in Soomaaliya ka soo gudubtay xilligii laga tashan jiray ama loo talin jiray,maanta talada aduunka uu gaaro ayaan qeyb ka nahay, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Leave a Reply