Garoowe (Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa ka si cad uga horyimid hadalka shalay kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee ahaa in Kaarka NIRA, loo ogol yahay in xitaa ay qaadan karaan kooxda Al-shabaab.
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa sheegay in cid walbo oo qaadata Kaarka NIRA, ay cadow u aragto Puntland, xabsina ay dhigi doonto, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Ceydiid, ayaa xusay in hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadana in Al-shabaab ay qataan Kaarka ay tahay qalad weyn, isla markaana waxa uu tilmaamay in Puntland ay 12 bilood la dagaalameysay si ay deegaanadeeda uga nadiifiso.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in 700 Daacish oo kasoo degay dekadda Garacad, ay Puntland leey-say, halka maxabiis badana laga soo dejiyay Garoowe, gacan birna ay ku qaban doonto.
Waxa uu carabka ku dhuftay wasiirka in aysan waxba is doorin dagaalka Puntland kula jirto Daacish ee ka socda Buuraha Calmadoow iyo Calmiskaad, ayna sidaas oo kale ula dagaalami doonaan Al-shabaab.
Xiriirka Puntland iyo dowladda Dhexe, ayaa muddooyinkii dambeeyay aad u sii xumaanyay, kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu cadaadis dhinacyo badan saaran maamulka Puntland.

Leave a Reply