Garoowe (Raxanreeb online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa qeylo dhaan ka soo saaray qulqulka qaxootiga Itoobiya ee soo galaya Soomaaliya, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Siciid Faarax (Juxa) uu sheegay in ku dhawaad 30,000 oo Qaxooti Itoobiyaan ah ay soo galeen deegaanada Puntland 10-kii bilood ee ugu dambeeyay.
Wasiir Juxa oo ka hor hadlayay Baarlamaanka Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay culeyska isa soo taraya ee ka dhashay qulqulka qulqulka, waxaana uu ku sifeeyay mid aan horay loo arag kaas oo hareeyay awoodii maamulka.
“Xaaladdu aad ayay u xun tahay. Puntland waxay horey u martigelisay 15,000 oo Qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah, qul-qulka muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee dhawaanta soo galay ayaa xaaladda ka dhigay mid aad u daran,” ayuu yiri wasiirku.
Waxa uu intaasi ku daray in Puntland aysan haysan dhaqaale ay ku xakameyso isu socodka dadka isaga kala goosha xuduuda, isla markaana ay sii kordhayaan tirada dadka, taasi oo keentay dhibaato bini’aadinimo oo uusan gobolka kaligii qaadi karin.
Wasiir Juxa ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in dowladda Itoobiya ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa qaxootiga, isla markaana diiradda lagu saari lahaa xakameynta xuduudaha iyo dib u celinta dadkii horay ugu soo tallaabay Puntland.
Codsigiisa, wasiirku wuxuu ugu baaqay dawladaha caalamka iyo hay’adaha samafalka inay taageero deg-deg ah la soo gaaraan Puntland, isagoo xusay dhibaatooyinka bani’aadanimo ee xooggan ee ka dhashay tirada sii kordhaysa ee qaxootiga iyo barakacayaasha gobolka.
Dhibaatada qaxootiga kuma koobna Puntland oo kaliya, iyadoo gobolada deriska la ah sida Galmudug sidoo kale laga soo sheegayo tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku qulqulaya. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Galmudug waxaa ka billowday howlgallo lagu beegsanayo dad Oromo ah oo tahriibayaal ah oo lagu eedeeyay in ay biro iskaraar ah oo sharci darro ah ka aruurinayeen bartamaha Soomaaliya.
Xaaladdu waxay muujinaysaa cadaadiska sii kordhaya ee ka jira gobollada Soomaalida ee la tacaalaya socdaalka xudduudaha isaga gudba, waxayna muujinaysaa baahida loo qabo iskaashiga gobolka iyo gargaarka caalamiga ah si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo ifbaxaya.
Leave a Reply