Boosaaso ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa kordhisay waqtiga howlgalka la dagaalanka ooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, kaas oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo 1-da bishan December.
Saraakiil katirsan ciidanka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in la qorsheeyay in howlgalka lagu daro lix bilood oo dheer ah, si loo soo afmeero firxadka kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysata meelo ka mid ah buuraha Calmiskaad.
Sidoo kale Puntland ayaa Calmiskaad gayn doonta ciidamo cusub oo qayb ka noqda howlgalkaas, kuwaas oo maalin ka hor tababar loogu soo xiray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Sikastaba, kordhinta waqtiga howlgalka Calmiskaad ayaa kusoo aadayaa, xilli dhowaan mid kami ah beelaha degga Puntland ay soo jeedisay in aan lagu dhawaaqin guul aan waqtigeeda la gaarin, si aysan u kordhin khatarta argagixisada ay damacsan yihiin.

Leave a Reply