Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilka ukala wareejiyay Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska

Muqdisho (Raxanreeb online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula kala wareegaayeen Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Sarreeyo Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Taliyihii hore, Sarreeyo Gaas Sulub Axmed Firin.

Sidoo kale, Xamse ayaa uga mahadceliyay Taliyihii hore, dadaalkiisii iyo hoggaamintiisii wanaagsanayd intii uu xilka hayay isaga oo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu sii amba-qaado hawlaha muhiimka ah ee ciidamada boliiska, kana shaqeeyo horumarinta amniga iyo nabadgelyada dalka.

Dhanka kale, Xamse ayaa sheegay in boliiska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dowladnimada, isla markaana looga baahan yahay in ay ilaaliyaan waajibaadka loo igmaday, si kalsoonida ay ku qabaan bulshadu u noqoto mid sarreysa.

Isaga oo xusay in xilka uu yahay meerto qofba maalin uu qabanaayo usha, taas oo uu ku sheegay in qofkii xilka laga qaado aan lanecbeyn.

“In qof xilka uu haayo laga qaado taas micneheedu aheyn in lanecebyahay xilkana uu yahay mid meerto ah qofba uu maalin qaban doono”

Leave a Reply

Your email address will not be published.