Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hay’adda (UNICEF) ee Soomaaliya, Sandra Lattouf, oo dhowaan loo soo magacaabay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marwo Landra, la wadaagay Xukuumadda DanQaran, marxaladihii kala duwnaa ee ku aadanaa dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada ah gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay hey’adda UNICEF, taageerada ku aaddan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah lagu gaarsiin laha bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.
Dhanka kale Marwo Sandra Lattouf, ayaa iyadana muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqaynta ka dhexaysa hey’adda UNICEF, iyo sidii ay uga taageeri lahayd adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.

Leave a Reply